somali

Wargeli 2.3.2011

Warshada dib u isticmaalka alaabaha kala duwan (Kierrätystehdas-tapahtuma) waxay soo bandhigee bandhig ka hadlaya sida alaabaha duugta ah dib loogu isticmaalikaro.

Bandhigu wuxuu ka dhacayaa Kaapelitehdas 7.-8.5.

Warshada dib u isticmaalka alaabaha kala duwan waxay qabanqaabinee bandhigii afaraad oo ka dhacaaya Kaapelitehdas sabatiga iyo axada 7-8.5 oo ku aadan weekendiga maalinta hooyooyyinka.
Qoysaska oo dhan ayaan ku casuumaynaa in ay ka soo qaybgalaan bandhigaan lagu soo bandhigayo qaabka loogaga faaiideysan karo qalabka duuga ah iyo sida deegaanka loogugu noolaan karo iyadoo laga ilaalinayo waxyaalaha dhibaatada u keenikara. Sanooyinkii ugu danbeeyey dadka ka qaybgalay waxay kor u dhaafayeen ilaa 7500 sidoo kale dadka raba in ay soo badhigaan qaabka loogaga faaiideysan karo alaabaha duuga ah way bateen. Bandhigaan waxaa lagu soo gelikaraa lacag la’aan waxaana hirgelintiisa si wadajir ah isaga kaashaday Kierrätystehdas ry iyo Kiinteistö Oy Kaapelitalo.

Booqashada aad ku soo booqanayso warshada dib u isticmaalka alaabaha waa in aad ugu talagashaa waqti badan waayoo waxaa barnaamijyo badan ayaa la soo bandhigayaa. Sidoo waxaa jira fursado badan oo dadka waayen iyo caruurtaba ay wax uga barankaraan qaababka alaabaha duuga ah loogaga faaiideysan karo iwm. Bandhiga waxaa lagu iibinayaa in ka badan 50 alaabood laga sameeyay alaabaha horey loo istimaalay. Alaabaha lagu iibinayo bandhiga dhexdiisa waxaa ka mid dhar laga sameeyey alaabaha duuga ah, alaabaha guryaha lagu sharaxdo, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo waxyaalaha deegaanka baxa oo si dabiiciga ah u baxay intaba. Waxyaalahaas oo dhan meesha ayaa lagu soo bandhiyaa ama lagu iibinayaa. Sanooyinkii tagay waxyaalihii la soo bandhigay waxaa lagu soo kordhinaya alaabaha korontada, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo qaar ka mid cuntooyinka.

Bandhiga nuucaan oo kale ah dadku aad ayey u xiiseeyaan marka waxaa la keenikaraan waxala wixii wax taraya oo dib loo isticmaalikaro sida dharka, boonbalooyinka, buugagta iyo qalabka guryaha. Soo qaado wixii aad is leedahay dadkale ayey wax u terayaan oo dib ayaa loo isticmaalikaraa. Bandhigaan waxaa horey loogu magacaabi jiray xaraashka lacag la’aanta ah waxaana hirgelintiisa iska kaashaday xaruunta dhexe alaabaha duuga ee nawaxiga Helsinki. Sidoo kale Kaapelitehdas deerkeeda waxaa la soo dhigayaa qalabka duuga ah ee korontada isticmaala iwm.

Luuqada bandhiga loogaga hadlaayo waa finnish, balse dadka wax qabanqaabinaya way yaqaaniin luuqada ingiriiska. Sidoo kale waa markii koobaad waxyaalaha lagu soo bandhigayo goobtaan lagu qoro ugu yaraan luuqadaha finnishka iyo ingiriiska. Ka soo qaybgal wacan.

Warshada dib u isticmaalka alaabaha kala duwan (Kierrätystehdas) 7.-8.5.2011
Waxay furanyahay sabtiga iyo axada saacadaha 10-17 inta u dhexeysa
Kaapelitehdas, Merikaapelihalli ja sisäpiha
Tallberginkatu 1, 00180 Helsinki
Ovet M1-M4
Vapaa pääsy
www.kierratystehdas.fi (suomeksi)
www.kierratystehdas.fi/front-page (englanniksi)

Wixii faahfaahin oo ku saabsan bandhiga kala soo xariir:
Henni Ahvenlampi
Kulttuurienvälinen viestintä
henni.ahvenlampi(at)kierratystehdas.fi
tel. +358 40 596 6055

Median yhteydenotot:
Pia Alilonttinen
Viestintäkoordinaattori 
pia.alilonttinen(at)kierratystehdas.fi
+358 40 748 4596

LATAA .PDF KÄYTTÖÖSI.
TÄTÄ TIETOA SAA VAPAASTI KOPIOIDA, PEISTATA JA JAKAA EDELLEEN.